Rooble oo waxba kama jiraan ku tilmaamay guddigii uu Farmaajo magacaabay.

Wednesday September 15, 2021 - 06:50:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rooble oo waxba kama jiraan ku tilmaamay guddigii uu Farmaajo magacaabay.

    Wareegtooyinka iskasoo horjeedo ee kasoo baxayada xafiisyada madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa halkoodi kasii socdo xilli uu sii xoogeystay khilaafka udhaxeeya labadaan nin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wareegtooyinka iskasoo horjeedo ee kasoo baxayada xafiisyada madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa halkoodi kasii socdo xilli uu sii xoogeystay khilaafka udhaxeeya labadaan nin.


R/wasaare Rooble ayaa xalay soo saaray wareegto uu ku burrinayo guddigii uu dhowaan Farmaajo umagacaaban baarista kiiska sarkaalad Ikraan Tahliil.

Rooble ayaa wax aan dastuurka waafaqsaneyn ku tilmaamay guddigii uu dhisay madaxweyne Farmaajo ""Gal dacwadeed maxkamad horyaalla in loo magacaabo guddi baaris ah waa arrin baal marsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, saxna ma ahan in hey’ad xubno ka tirsan oo dacwad loo heysto ay qeyb ka noqdaan baarayaasha kiiska”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska Rooble.


Ismariwaaga udhaxeeya labada dhinac ayaa xal loo waayay waxaana fashilmay dhammaan isku dayadii lagu doonayay in xaalada lagu qaboojiyo, Rooble ayaa isku arka in uu yahay ninka leh awoodda maamul ee DF-ka halka Farmaajo uu isku dayayo in uu duugo kiiska Ikraan Tahliil oo fal dambiyeed weyn ku ah Fahad Yaasiin.

Related Items