Qarax uu geystay naftii hure katirsan Al-Shabaab oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Tuesday September 14, 2021 - 18:13:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Qarax uu geystay naftii hure katirsan Al-Shabaab oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

    Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan DFS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan DFS.


Qaraxan oo uu fuliyey naftii hure ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka dhacay naxaawiga xero Nacnac oo ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in jugta qaraxa laga maqlay meelo fogfog.

Saraakiil katirsan Al Shabaab ayaa sheegay in qaraxaas uu fuliyey dagaalyahan ka tirsan ciidankooda islamarkaana uu beegsaday maleeshiyaat halkaas lagu hayey, iyagoo tilmaamay inay khasaare lixaadleh gaarsiiyeen maleeshiyaatka.


Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 11 askari lagu dilay qaraxaas, sidoo kalena lagu dhaawacay 16 kale sida ay Somalimemo u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay DFS oo ku aadan qaraxa maanta lala beegsaday ciidankooda ee gilgilay magaalada Muqdisho.

Related Items