Xaaladda Caafimaad ee Ismaaciil Cumar Geelle oo aad uliidata iyo mucaaradka oo ka hadlay.

Tuesday September 14, 2021 - 18:01:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladda Caafimaad ee Ismaaciil Cumar Geelle oo aad uliidata iyo mucaaradka oo ka hadlay.

    Ismaaciil Cumar Gelle oo wax kabadan 21 sano maamulaya wadanka Itoobiya ayaa xaaladdiisa caafimaad laga dayrinayaa kadib markii uu xanuun kusoo booday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismaaciil Cumar Gelle oo wax kabadan 21 sano maamulaya wadanka Itoobiya ayaa xaaladdiisa caafimaad laga dayrinayaa kadib markii uu xanuun kusoo booday.


ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Geelle oo aad uxanuunsan loola cararay Isbitaal kuyaal magaalada Paris ee caasimadda u ah wadanka Faransiiska.

Eehellada madaxweynaha ayaa beeniyay warar sheegayay in Ismaaciil uu geeriyooday, kooxaha mucaaradka Jabuuti ee dibad joogga ah ayaa baraha bulshada ku faafiyay ishaacaad ah in madaxweyne Geelle uu ku dhintay Isbitaal kuyaal magaalada Paris.


Inta badan qoyska Ismaaciil Cumar ayaa ku sugan magaalada Paris arrinkaas oo shaki badan keenay, madaxtooyada Jabuuti ayaa war ay soo saartay ku xaqiijisay in xanuunka Geelle waxayna ku sifaysay sababta isbitaalka loo dhigay in uu dareemayo raaxo la'aan.

Ismaaciil Cumar ayaa ah kaligii taliye dabadhilif u ah Faransiiska iyo Mareykanka waxaana lagu eedeeyaa in uu dhaqaalihii wadanka afka udhigtay islamarkaana uu dadka Jabuuti ka dhigay kuwa lanool faqri joogta ah.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items