Dowladda Imaaraatka oo liiska 'Argagaxisada' ku dartay Shakhsiyaad iyo shirkado gaancsi.

Tuesday September 14, 2021 - 13:17:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Imaaraatka oo liiska 'Argagaxisada' ku dartay Shakhsiyaad iyo shirkado gaancsi.

    Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqday in liiska waxa loogu yeero argagaxisada ay kudartay ganacsato iyo shirkado waaweyn oo xarumo ku leh wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqday in liiska waxa loogu yeero argagaxisada ay kudartay ganacsato iyo shirkado waaweyn oo xarumo ku leh wadankaasi.


War rasmi ah oo kasoo baxay Imaaraatka ayaa lagu sheegay in liiska 'argagaxisada' lagu biiriyay illaa 38 ruux oo ubadan muslimiin ahlu sunna ah iyo shirkado ganacsi.

Dadka liiskan lagu daray waxaa kamid ah 4 ruux oo kasoo jeedo imaaraatka, 8 ruux oo kasoo jeeda dalka Yemen, 4 ruux Suuriyiin ah, laba qof Lubnaaniyiin ah, laba qof ciraaqiyiin ah, 5 qof oo Hindi ah, 5 iiraaniyiin ah iyo sidoo kale shakhsiyaad haysta dhalashooyinka Sacuudiga,Urdun iyo ingiriiska balse dhammaantood ah dad muslimiin.


sida ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee xukuumadda Abu Dubai tallaabadan ay lagu sheegay mid lagu beegsanayo shabakadaha maalgeliyo waxa ay ugu yeereen argagaxisada.

dowladda dabadhilifka Imaaraatka carabta ayaa safka hore uga jirta dowladaha dawaaqiidda ah ee reergalbeedka kala shaqeeya beegsiga muslimiinta.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items