Calanka Tawxiidka oo noqday calanka rasmiga ah ee dalka Afghanistan [Sawirro].

Tuesday September 14, 2021 - 12:55:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Calanka Tawxiidka oo noqday calanka rasmiga ah ee dalka Afghanistan [Sawirro].

    Wadanka Afghanistan ayaa noqday wadanka kaliya ee caalamka oo calan ka dhigta Raayada Tawxiidka waxaana meesha laga saaray calankii daaquudka ee ay sameysay xukuumaddii hore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Afghanistan ayaa noqday wadanka kaliya ee caalamka oo calan ka dhigta Raayada Tawxiidka waxaana meesha laga saaray calankii daaquudka ee ay sameysay xukuumaddii hore.


Rasmi ahaan imaarada islaamiga ah ayaa ugu dhawaaqday in labedelay calankii afghanistan, R/wasaare Mullah Max'med Xasan Akhunda ayaa iclaamiyay in calanka rasmiga ah ee afghanistan uu yahay midka muslimiinta midaynaya ee dhaxda ku leh kalimadda Tawxiidka.

Qasriga madaxtooyada magaalada kaabuul iyo dhamaan xafiisyada dowladda ayaa laga dajiyay calankii daaquudka ahaa ee ay isticmaali jirtay xukuumaddii lariday waxaana lagu bedelay calanka Tawxiidka.


Sawirro lagasoo qaaday magaalada kaabuul ayaa muujinayay goobaha caamka ah oo calamada tawxiidka lagu sharraxay iyadoona bulshadu ay rasmi ahaan raayada islaamka ka dhigteen calankooda.

Dhammaan gobollada wadanka ayaa laga dareemayaa isbedel dhan walba ah waxaana dhaqan galay awaamir islaami ah oo ay soo rogtay dowladda cusub ee dhowaan uu soo dhisay Amiirul  Mu'miniin Mullah  Habatullaah Akhunda.

Kulamo uu R/wasaaraha cusub magaalada Kaabuul kula yeeshay saraakiil ka socday hay'adaha Q.Midoobe waxaa ka dhaxmuuqanayay calanka rasmiga ee Afghanistan.







Related Items