Xoogag Jihaadi ah oo weeraray saldhigyo ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin Bakool iyo Jubbada Hoose.

Tuesday September 14, 2021 - 12:50:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogag Jihaadi ah oo weeraray saldhigyo ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin Bakool iyo Jubbada Hoose.

    Xoogag jihaadi ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro culus ku miray saldhigyo ay ciidamo shisheeye ku leeyihiin gobollo dhaca Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag jihaadi ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro culus ku miray saldhigyo ay ciidamo shisheeye ku leeyihiin gobollo dhaca Koonfurta Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe weeraro lagu miray laba saldhig oo ciidamada Kenya ay uga suganyihiin deegaannada Kulbiyoow iyo Cabdalla Biroole.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas culus oo labada dhinac is dhaafsanayeen, habeen hore ayay aheyd markii sidaan oo kale loo weeraray saldhigga melleteriga Kenya ee Jaziiradda Kudhaa.


Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in xoogag islaami ah ay xalay weeraro culus ku qaaday saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin degmooyinka Xudur iyo Waajid.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahanno aad u hubaysan ay weeraro ku ekeeyeen saldhigyadan oo kuyaal laba garoon macmal ah oo ay ku suganyihiin ciidamada Xabashida balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradan.

Sidoo kale ciidamada wilaayada Islaamiga Sh/hoose ayaa weerar ku ekeeyay saldhig ay maleeshiyaadka dowladda ka sameysteen buundada degmada Janaale.

Weeraradan ayaa qeyb ka ah halganka lagu jiro ciidamada shisheeye ee ka socda inta badan gobollada dalka Soomaaliya ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items