Siyaasiyiin iyo Ehelka Ikraan Tahliil oo si kulul udhaleeceeyay guddigii baarista Farmaajo.

Tuesday September 14, 2021 - 12:05:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiin iyo Ehelka Ikraan Tahliil oo si kulul udhaleeceeyay guddigii baarista Farmaajo.

    Guddi baaris ah oo uu madaxweyne Farmaajo umagacaabay kiiska sarkaalad Ikraan Tahliil ayaa lakulmay mucaaradad aad uxooggan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddi baaris ah oo uu madaxweyne Farmaajo umagacaabay kiiska sarkaalad Ikraan Tahliil ayaa lakulmay mucaaradad aad uxooggan.


Qoyska Ikraan ayaa si kulul ugasoo horjeestay guddiga Farmaajo waxayna ku tilmaameen carqaladeyn in saantirasho uu damacsanyahay xafiiska madaxweynaha.

Qaali Maxamuud oo ah haweenayda dhashay sarkaaladda lala'yahay ayaa sheegtay in aysan doonayn guddiga Farmaajo iyadoo ku baaqday in laga war sugo natiijada kasoo baxda dacwadda loo gudbiyay maxkamadda ciidamada dowladda.

"Waxaan uga digayaa Farmaajo inuu faraha kala baxo kiiska gabadheyda ee Maxkamada Ciidamada horyaal,haddii uu ka hari waayo kiiskaan waxaan ka dacweyneynaa maxkamadaha dalka iyo dibadiisaba"ayay tiri Qaali Maxamuud.


Dhinaca kale siyaasiyiin xilal horay ugasoo qabtay Soomaaliya ayaa khiyaano ku sifeeyay guddiga uu Farmaajo magacaabay oo xubin kamid ah uu soo magacaabayo taliyaha Nabad sugidda ee Farmaajo wato.

Max'med Cabdi Waare oo ah madaxweynihii hore ee maamulka 'Hirshabelle' ayaa weerar afka ah ku qaaday Farmaajo.

"Tan waxaa ay u eg tahay Carqaladaynta Caddaaladda! Maxaad ugu wareejin weyday kiiska hay’adaha awoodda u leh ee hore u jiray? Maxaa loo abuurayaa Guddi? ilameereeyso ah, laga yaabee inay tahay siyaasad: waa in aysan u noqon cadaalad" ayuu yir Waare.

Qaabkii foosha xumaa ee Taliye Fahad Yaasiin uu udilay Ikraan Tahliil kadibna ugu nabay Al Shabaab ayaa caro ka dhax dhalisay shacabka soomaaliyeed iyo qoyska Ikraan halka madaxda ugu sarraysa dowladda ay ku kala qeybsameen kiiskan.

Related Items