Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisay Gantaallo halis ah.

Monday September 13, 2021 - 11:43:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisay Gantaallo halis ah.

    Warbaahinta rasmiga ah ee ku hadasha afka dowladda Kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay in lagu guulaystay tijaabada gantaallo halis ah oo ah nuuca qaaradaha isaga kala goosha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta rasmiga ah ee ku hadasha afka dowladda Kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay in lagu guulaystay tijaabada gantaallo halis ah oo ah nuuca qaaradaha isaga kala goosha.


Kuuriyada waqooyi ayaa baahisay muuqaalka gantaallo Kuruuz ah oo si guul leh hawada ugelaya kadibna ku qarxaya dhul aad uga fog wadanka.

Gantaalladan ayaa la sheegay in ay gaari karaan dhammaan dhulka wadanka Japan ayna awood uleeyihiin in ay burburiyaan bartilmaameedka lala rabo.

wakaalada wararka ee KCNA ayaa sheegtay in gantaalladan cusub ee ay tijaabisay xukuumadda Pyongyang ay wax ka dili karaan fogaan dhan 1,500Km.


Wararka ayaa intaas ku daraya in tijaabadan aysan halis weyn ku aheyn xayiraadihii uu Golaha ammaanka Q.Midoobay horay ugusoo rogay Kuuriyada waqooyi balse ay walaac ku abuurayso dalka Japan ee dariska la ah dowladdan shuuciga ah.

Related Items