Diyaaradaha Yahuudda oo duqeymo cusub ka geystay magaalada Qaza.

Monday September 13, 2021 - 12:28:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Yahuudda oo duqeymo cusub ka geystay magaalada Qaza.

    Ciidama yuhuuda ayaa sii wada duqeymaha ay ka geysanayaan magaalada qaza ee go'doonka ku jirta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidama yuhuuda ayaa sii wada duqeymaha ay ka geysanayaan magaalada qaza ee go'doonka ku jirta.


Diyaaradaha Yahuudda ayaa subixii hore ee manta duqeeyay saldhigyo ay kooxaha muqaawamada ka ga sugnaayeen waqooyiga iyo koofurta magaalada balse illaa iyo hada lamasoo sheegin khasaara ka dhashay duqeymahaasi.

Weeraradan ayaa yimid kadib markii kooxaha wax iskacaabinta ay madaafiic ku garaaceen deegaano ku dhaw magaalada Qazza waxaana duqeymahaas wax noqday dad Yahuud ah.

Warbaahinta ku hadasha afka cibriga ayaa soo tabisay in weerarada muqaawamada ay ku dhaawacmeen 4 qof Yuhuud ah oo ku noolaa mustowdanada sidroot oo ay daganyihin yuhuuda xagjirka ah.


arrimahan ayaa imaanaya xilli maalmo ka hor ay maxaabiis Falasdiiniyiin ah ka baxsadeen xabsi kuyaal dhulka Yahuuddu gummeysato.

Related Items