Khilaafka oo xoogeystay iyo Farmaajo oo amar duldhigay Wasiirka Maaliyadda.

Sunday September 12, 2021 - 13:48:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka oo xoogeystay iyo Farmaajo oo amar duldhigay Wasiirka Maaliyadda.

    Waxaa fashil kusoo idlaay kulamadii magaalada Muqdisho uga socday Max'med Cabduulaahi Farmaajo iyo Max'med Xuseen Rooble.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa fashil kusoo idlaay kulamadii magaalada Muqdisho uga socday Max'med Cabduulaahi Farmaajo iyo Max'med Xuseen Rooble.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in labada nin ay isku fahmi waayeen dhammaan qodobadii laysku hayay ee ka dhashay kiiska dilkii sarkaalad Ikraan Tahliil.

Farmaajo ayaa diiday in Fahad Yaasiin lagu maxkamadeeyo kiiska Ikraan taas bedelkeedna wuxuu soo jeediyay in gabi ahaanba kiiskan la baabi'iyo oo aan  maxkamad lagu xallin.

Saacado kadib markii uu fashilmay shirkii labada dhinac ayuu Rooble soo saaray amar ah in wasaaadda maaliyadda aysan biixin karin iyadoo aan xafiiskiisa soo ogeysiin.


Amarka laduldhigay wasiirka maaliyadda ah ayaa weerar toos ah oo ku socda madaxweyne Farmaajo maadaaama ay bahwadaag dhanka siyaasadda ah ay yihiin wasiir Cabdi Raxmaan Beylle.

Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda waxa loogu yeero Beesha Caalamka kuwaas oo doonaya in ay ukala dab qaadaan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ee dabadhilifnimada ku dhisan.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items