Weeraro jidgal ah oo loo dhigay ciidamada Uganda xilli ay ku socdaalayeen Sh/hoose.

Sunday September 12, 2021 - 12:45:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro jidgal ah oo loo dhigay ciidamada Uganda xilli ay ku socdaalayeen Sh/hoose.

    Xoogag jihaadi ah ayaa markale weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowlada ku leeyihiin deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag jihaadi ah ayaa markale weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowlada ku leeyihiin deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose.


Weerar dhabbagal ah ayaa loo dhigay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen cidiamada AMISOM xilli ay ku socdaalayeen inta udhaxaysa deegaannada Lambar60 iyo Buufoow ee Sh/hoose.


Ciidamada laweeraray ayaa saadk ka qaaday magaalada Muqdisho waxayna kusii jeedeen saldhigga ay ku leeyihiin deegaanka Shalaambood ee duleedka Marka.

Dhinaca kale weerar culus ayaa xalay lagu qaaday saldhig ay ciidamada DF-ka ku leeyihiin deegaanka Siinka dheer oo dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas culus oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen.


Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items