Weerar loo adeegsaday diyaarad Drone ah oo lagu qaaday saldhigga ciidanka Mareykanka ee magaalada Arbiil.

Sunday September 12, 2021 - 11:47:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar loo adeegsaday diyaarad Drone ah oo lagu qaaday saldhigga ciidanka Mareykanka ee magaalada Arbiil.

    Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa sheegaya in weerar culus markale lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo American ah oo ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa sheegaya in weerar culus markale lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo American ah oo ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.


Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Kurdistan ayaa sheegay in ugu yaraan 3 saaruukh ay ku dhaceen meel ku dhow garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Arbiil halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Americanka ah.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarkan loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan, saraakiil American ah ayaa lagasoo xigtay in mid kamida diyaaradaha weerarka geystay lagusoo riday hareeraha madaarka Arbiil.


Weeraradan nuucaan ah ee soo laalaabtay waxaa lagu eedeeyaa in ay mas'uul ka yihiin maleeshiyaad Shiico ah oo gacan saar laleh dowladda Iiraan.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items