Xildhibaan katirsanaa golaha deegaanka gobolka Sool oo Laascaanood lagu dilay.

Sunday September 12, 2021 - 11:11:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan katirsanaa golaha deegaanka gobolka Sool oo Laascaanood lagu dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay fal dil ah oo xalay ka dhacay mid kamida xaafadaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay fal dil ah oo xalay ka dhacay mid kamida xaafadaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.


Dablay hubaysan ayaa xalay fiidkii bartamaha Laascaanood ku toogtay Xildhibaan Cabdi Risaaq Axmed Cilmi oo ku magac dheeraa Cardoofe.

Goob joogayaal ayaa sheegay in kooxo hubaysan ay qeybaha sare ee jirka ay rasaas kala dhaceen xildhibaanka dibna ay goobta si degdeg ah uga baxsadeen.

Dad ka caraysan dilka xildhibaan Cabdi Risaaq ayaa xalay isugusoo baxay magaalada Laascaanood waxayna dalbanayeen in lasoo qabto dablaydii dilka geysatay.


Ma ahan markii ugu horraysay oo mas'uul katirsan maamulka 'Somaliland' lagu dilo magaalada Laascaanood waxaana xusid mudan in bilo ka hor ladilay guddoomiyihii maxkamadda Sool illaa iyo haddana ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilalkaasi.


Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items