Muuse Biixi oo xilalkii ay hayeen ka xayuubiyay guddoomiyaal gobol iyo mas'uuliyiin kale.

Saturday September 11, 2021 - 15:20:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo xilalkii ay hayeen ka xayuubiyay guddoomiyaal gobol iyo mas'uuliyiin kale.

    Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ayaa shaqada ka eryay guddoomiyaal gobol iyo mas'uuliyiin kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ayaa shaqada ka eryay guddoomiyaal gobol iyo mas'uuliyiin kale.


Wareegto kasoo baxday xafiiska Muuse Biixi ayaa xilalkii ay hayeen looga qaaday guddoomiyaashii gobollada qaar iyo mas'uulkii ugu sarreeyay Bankiga dhexe ee 'Somaliland'.

Mas'uuliyiinta la eryay waxaa kamid ah guddoomiyaashii gobollada Maroojijeex,Daad Madheen,Sanaag,Hawd iyo Togdheer, sidoo kale waxaa xilka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii bankiga dhexe iyo sarkaal wadashaqeyn dhow lalahaa shirkadda Imaaraatka DP World.


Muuse Biixi ayaa wareegtada uu soo saaray wuxuu kula hadlay mas'uuliyiinta uu shaqada ka eryay isagoo yiri "Sida aad la socotaan, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka".

Tallaabadan uu qaaday madaxweynaha maamulka 'Somaliland' ayaa kusoo aadaya xilli bilihii lasoo dhaafay uu khilaaf ka dhaxjiray xisbiyada isku haysa siyaasada maamulkaasi.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items