Farmaajo iyo Rooble oo yeeshay wadahadalladii ugu horreeyay kadib khilaafkii ka dhashay Eryiddii Fahad Yaasiin.

Saturday September 11, 2021 - 14:57:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo iyo Rooble oo yeeshay wadahadalladii ugu horreeyay kadib khilaafkii ka dhashay Eryiddii Fahad Yaasiin.

    Sida lagasoo xigtay saraakiil katirsan xafiiska R/wasaaraha shir ayaa maanta duhurkii gudaha Villa Somalia uga furmay Farmaajo iyo Max'med Xuseen Rooble.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida lagasoo xigtay saraakiil katirsan xafiiska R/wasaaraha shir ayaa maanta duhurkii gudaha Villa Somalia uga furmay Farmaajo iyo Max'med Xuseen Rooble.


Shirkan oo ay kasoo shaqeeyeen Qoorqoor iyo Cabdi Caziiz Laftagareen ayaa lagu doonayaa in lagu qaboojiyo khilaafka siyaasadeed ee udhaxeeya labadan mas'uul.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in Rooble uu u aqbalay codsiga uga yimid Farmaajo ee ah in uu miiska wadahadalka soo fadhiisto, qodobada ugu adag ee labadan nin isku khilaafeen waxaa kamid ah xilka qaadistii Fahad Yaasiin iyo magacaabista wasiir iyo taliyaal amni.


Lama oga waxa kasoo bixi doona shirka ka socda Villa Somalia, Farmaajo ayaa doonaya in la baabi'iyo kiiska dilkii Ikraan Tahliil halka Rooble uu doonayo in Kiiska maxkamad lageeyo lana ciqaabo kuwii dilka geystay.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items