Qarax ay askar ku dhinteen oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Saturday September 11, 2021 - 14:48:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax ay askar ku dhinteen oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

    Askar iyo saraakiil katirsanaa maamulka isku magacaabay 'Jubbaland' ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax xooggan oo lagula beegsaday deegaan katirsan Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askar iyo saraakiil katirsanaa maamulka isku magacaabay 'Jubbaland' ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax xooggan oo lagula beegsaday deegaan katirsan Jubbada Hoose.


Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax miino oo lala eegtay gaari ay la socdeen saraakiil ciidan uu khasaara badan dhaliyay.

Qaraxa oo ka dhacay inta udhaxaysa Cabdalla Biroole iyo Kismaayo waxaa ku dhintay ugu yaraan 6 askari halka 4 kale ay dhaawacmeen kuwa dhaawacmay waxaa kamid ahaa nin taliye horin ah kaasi oo lagu magacaabi jiray Xuseen Daahir Cagaweyne.


Dhinaca kale ciidamada wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa xalay saqdii dhexe weeraro culus ku miray saldhig ay melleteriga Kenya ku leeyihiin Jaziiradda Kudhaa.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac isdhaafsanayeen basle lama oga khasaaraha ha dhashay weerarka.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items