Weeraro Askar iyo Saraakiil lagu dilay oo ka dhacay deegaanno katirsan Gedo iyo Sh/hoose.

Saturday September 11, 2021 - 12:05:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Askar iyo Saraakiil lagu dilay oo ka dhacay deegaanno katirsan Gedo iyo Sh/hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara badan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara badan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay xalay weerar culus ku qaaden saldhig ay ciidamada DF-ka ku leeyihiin gudaha degmada Baardheere.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay weerarka halka ay sedax kale dhaawacyo soo gaareen.

Askariga ladilay ayaa lagu magacaabi jiray Max'med Fareey, ciidamada jihaadiga ah ee weerarka qaaday ayaa si nabad gelyo ah si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay.


Weerar kale oo ka dhacay degmada Afgooye ayaa lagu beegsaday mas'uul katirsanaa maamulka degmada, xoogag hubaysan ayaa weerar ku beegsaday guri uu ku sugnaa madaxa canshuuraha suuqa khudaaraha Afgooye.

Sida ay wararku sheegayaan mas'uulka labeegsaday ayaa si dirqi ah ku badbaaday balse waxaa dhaawacmay 3 askari oo ilaala u ahaa gaarigiisana burbur ayaa gaaray.

Dhinaca kale weerar hubaysan ayaa lagasoo sheegayaa deegaan dhaca duleedka degmada Bardaale ee gobolka Baay, sida ay wararku sheegayaan weerarka ayaa lagu beegsaday goob ay isbaaro utiillay maleeshiyaadka maamulka Koonfur galbeed.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items