Shacabka Itoobiya oo walaac ka muujiyay mustaqbalka dalkooda uu dagaal sokeeye halakeeyay.

Saturday September 11, 2021 - 11:13:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Itoobiya oo walaac ka muujiyay mustaqbalka dalkooda uu dagaal sokeeye halakeeyay.

    Malaayiin qof Itoobiyaan ah ayaa shalay udabaal degay sanadka cusub ee lakaliyihiin shacabka Itoobyaanka ah xilli wadanku uu marayo marxalad aad u adag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Malaayiin qof Itoobiyaan ah ayaa shalay udabaal degay sanadka cusub ee lakaliyihiin shacabka Itoobyaanka ah xilli wadanku uu marayo marxalad aad u adag.


Magaalada caasimadd ah ee Addis Ababa waxaa isugusoo baxay tobanaan kun kuwaas oo ku hadaaqayay erayo ay ku muujinayaan soo dhoweynta sanadka cusub ee 2014.

Dalka Itoobiya ayaa 8 sano ka dambeeya caalamka intiisa kale balse sanadkaan ayaa aad uga duwan sanadadii kale waxaana dalka ka socda dagaal sokeeyey oo halakeeyay nolosha malaayiin qof.

Suuqa Merkaato ee magaalada Addis Ababa dadkii isugu baxay oo shumacyo shidayay ayaa muujiyay raja xumada ay ka qabaan dib usoo laabashada Itoobiya midaysan.


Abiy Axmed oo qoraal tahniyad ah ku muujiyay sanadka cusub ayaa yiri "kuwa umidoobay sidii ay noo dhibaatayn lahaayeen waxaysan gareyn Itoobiya waxay tahay", wuxuu intaas raaciyay "Itoobiya waligeed uma dhutin doonto olole melleteri iyo mid dhaqaale oo lagusoo qaado".

Dagaalka gobolka Tigray oo soo bilaawday dabayaaqadii sanaddii 2020-ka ayaa dhaliyay musiibo bani'aadnimo iyo hoos udhacweyn oo kuyimid dhaqaalaha dalka Itoobiya.

Maleeshiyaadka TPLF ayaa duullaankii lagusoo qaaday urogay mid ahli ah waxayna colaad ka rideen gobollada Amahara, Cafar iyo Oromia.
Melleteriga Itoobiya oo ahaa midka ugu murqa kuusan ayaa aad loo wiiqay wuxuuna kusoo koobmay oo kaliya in uu difaaco danaha siyaasadeed ee Abiy Axmed.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items