Dowladaha Urur goboleedka ECOWAS oo xayiraad kusoo rogay melleeteriga Gini.

Thursday September 09, 2021 - 16:55:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladaha Urur goboleedka ECOWAS oo xayiraad kusoo rogay melleeteriga Gini.

    Kulan degdeg ah oo dowladaha dhaca galbeedka qaaradda Afrika ay ka yeesheen xaaladda dalka Gini ayay kasoo saareen go'aanno ka dhan ah saraakiisha Inqilaabka sameeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan degdeg ah oo dowladaha dhaca galbeedka qaaradda Afrika ay ka yeesheen xaaladda dalka Gini ayay kasoo saareen go'aanno ka dhan ah saraakiisha Inqilaabka sameeyay.


Wasiirrada arrimaha dibadda Urur goboleedka ECOWAS ayaa sheegay in aysan aqbali doonin xukuumad ay madax ka yihiin saraakiisha melleteriga dalka Gini ee Axaddii lasoo dhaafay inqilaabay madaxweyne Alpha.

ECOWAS waxay go'aamisay in si KMG ah dalka Gini looga joojiyo xubinimadii ururka islamarkaana ay amrayso in Jeneraallada melleteriga ay talada dib ugu celiyaan suldo rayid ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxweynihii la majaxaabiyay ee Alpha Condé lagu haayo Hotel kuyaal meel ku dhow qasriga madaxtooyada magaalada Kinaakari.


Ururka ECOWAS oo ay ku midaysanyihiin inkabadan 15 dal oo dhaca galbeedka Afrika ayaa saameyn weyn ku leh arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha mandiqadda.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items