Wasiirka cusub ee Amniga DF oo xilka kala wareegay ku xigeenkii Xundubeey.

Thursday September 09, 2021 - 16:43:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka cusub ee Amniga DF oo xilka kala wareegay ku xigeenkii Xundubeey.

    Mas'uuliyiin uu kamid ahaa R/wasaare Max'med Xuseen Rooble ayaa ka qeyb gal munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta wasaaradda amniga gudaha ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin uu kamid ahaa R/wasaare Max'med Xuseen Rooble ayaa ka qeyb gal munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta wasaaradda amniga gudaha ee magaalada Muqdisho.


Cabdullaahi Max'med Nuur oo ah wasiirka cusub ee wasaaradda amniga ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka wasaaradda ee xalay uun loo magacaabay.

Farxaan Cali Axmed oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga ayaa si rasmi ah wasiirka cusub ugu wareejiyay xilka wasaaradda kadib markii uu Xasan Xundubeey wasiirkii hore ee amniga uu diiday in uu xilka wareejiyo.

Rooble oo munaasabaddii xil wareejinta ku sugnaa ayaa wasiirka cusub faraya in uu shaqadiisa guto, Xasan Xudubeey ayaa farriin uusoo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay in afduub uu ka dhacay xarunta wasaaradda.


Khilaafka udhaxeeya madaxda DF-ka ayaa meel sare gaaray iyadoona Farmaajo iyo Rooble ay soo saarayaan wareegtooyin fowda ah oo xilal ay ku magacaabayaan saraakiil iyo wasiirrana ay ku casilayaan.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items