Maleeshiyaadka falaagada ah ee kooxda Tigreega ayaa markale xasuuq daran ka geystay wadanka Itoobiya ee dhaca bariga qaaraddda Afrika.
Ugu yaraan 120 qof oo ubadan carruur iyo haween ayaa dhintay tobanaan kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii kooxo hubaysan ay weerareen.
Mas'uuliyiin katirsan ismaamulka Amhara ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyo Tigree ah ay dad rayid ah ku xasuuqeen meel 10KM ujirta magaalada Dabat.
Goobta uu weerarku ka dhacay waa ismaamulka Amhara halkaas oo kooxaha Tigreega ay horumar dhanka dagaalka ah ka sameynayeen isbuucyadii lasoo dhaafay.
Dhinaca kale kooxda Tigreega ayaa si kulul ubeenisay eedaymaha ku aaddan in ciidamadeedu ay dad amxaara ah ku xasuuqeen gobolka Amxaarada.