Dowladdii ugu horraysay oo aqoonsatay Xukuumadda islaamiga Afghanistan.

Wednesday September 08, 2021 - 17:21:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Dowladdii ugu horraysay oo aqoonsatay Xukuumadda islaamiga Afghanistan.

    Jawaab celinno kala duwan ayaa laga bixiyay xukuumadda Islaamiga ee shalay looga dhawaaqay wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jawaab celinno kala duwan ayaa laga bixiyay xukuumadda Islaamiga ee shalay looga dhawaaqay wadanka Afghanistan.


Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa si kulul udhaleecaysay habdhismeedka xukuumadda, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumada Washington ayaa sheegay in aysan aqoonsan doonin dowladda Afghanistan looga dhawaaqay.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay Taliban in ay talada udhiibtay saraakiil ciidan iyo hoggaamiyaal 'Argagaxiso ah' islamarkaana ay iska fogeysay dhammaan xubnihii dowladii dhacday.

Reergalbeedka ayaa si aad ah uga carooday in wasiirro laga dhigo rag ku jira liiska waxa loogu yeero Argagaxisada sida Siraajudiin Xaqaani oo ah wasiirka arrimaha gudaha iyo Mulla Max'med Xasan oo ah R/wasaaraha cusub.


Dhinaca kale xukuumadda Ozbakistan ayaa ku dhawaaqday in ay soo dhowaynayso xukuumadda cusub ee shalay looga dhawaaqay dalka Afghanistan.

Wasiirka arrimaha dibadda Ozbakistan wuxuu sheegay in ay la shaqeyn doonaan maamulka Kaabuul, illaa iyo hadda dowladaha carabta kama hadlin mowqifkooda ku saabsan xaaladda Afghanistan.

Related Items