Maxaabiis Falasdiiniyiin ah oo si cajiib ah uga baxsaday xabsi Yahuudu leedahay.

Tuesday September 07, 2021 - 08:00:04
Liibaan Jeexoow
Maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda ee xoogga ku haysta dhulalka muslimiinta Falasdiin ayaa ka argagaxay howlgal jabsasho xabsi ah oo ay sameeyeen maxaabiis muslimiin ah.


Xabsiga Jalbuuc ee dhulka Falasdiin waxaa habeen hore si xirfadaysan uga baxsaday illaa 6 maxbuus oo qaar kamid ay ahaayeen saraakiil sarsare oo katirsanaa kooxaha muqaawamada Falasdiiniyiinta.

Warbaahinta ku hadasha afka maamulka Yahuudda waxay sheegtay in laxiray qaar kamid ah askartii ilaalinaysay saldhigga kadib markii ay ku guuldarreysteen in ay ku baraarugaan baxsashada maxaabiista.

Natiijada kasoo baxday baaritaanno degdeg ah oo ay sameeyeen saraakiisha ammaanka Yahuudda ayaa muujinaysa in sarkaalkii qaabilsanaa ilaalinta burjiga xabsiga Jalbuuc uu hurday halka askarta qaar aysan dareemin wax dhaq dhaqaaq ah.

Geesiyaasha baxsaday ayaa god dheer ka qoday dhabarka dambe ee xabsiga kadibna waxaa usuurtagashay in ay baxsadaan.

illaa 90 maxbuus oo ku xirnaa xabsiga Jalbuuc ayaa laga saaray xabsiga kadib markii laga baqay in ay baxsasho sameeyaan.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items