Madaxweyne ku xigeen ucararay Tajakistan iyo Taliban oo Afghanistan qabsatay.

Monday September 06, 2021 - 10:19:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku xigeen ucararay Tajakistan iyo Taliban oo Afghanistan qabsatay.

    Waxaa soo gaba gaboobay dagaallo culus oo lixdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday mid kamida gobollada dalka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo gaba gaboobay dagaallo culus oo lixdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday mid kamida gobollada dalka Afghanistan.


Ciidamada imaarada Islaamiga ah ayaa saaka aroortii si buuxda ula wareegay gobolka Panjshiir oo qiyaastii 120Km ujira magaalada Kaabuul.

Sida ay wararku sheegayaan in ciidamada Taliban ayaa qabsaday dhammaan magaalooyinka gobolka iyo saldhigyadii ay ku sugnaayeen maleeshiyaad daacad u ahaa dagaal oogayaasha kala ah Axmed Shaah Mascuud iyo Amurullaa Saalix.

Afhayeenka Taliban ayaa warbaahinta u sheegay in uu soo idlaaday dagaalka Afghanistan ayna soo afjareen wax uu ugu yeeray fallaago cadow ah.


ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenkii hore iyo ciidamo daacad u ah ay ubaxsadeen dhanka dalka Tajakistan halkaas oo magangelyo siyaasadeed ay ka heleen.

Dagaallo shalay ka dhacay Panjshir waxaa lagu dilay Jenraal Cabdi Waduud oo ahaa taliyihii maleeshiyaadka Axmed Shaah Mascuud iyo Afhayeenkiisi oo lagu magacaabi jiray Fahiim Doshte.

Tani ayaa ka dhigan in dhammaan dhulka Afghanistan uu kujiro gacanta Imaarada Islaamiga ah waxaana lawada sugayaa dowladda cusub ee Kaabuul looga dhawaaqi doono maalmaha iyo saacadaha soo socda.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items