Madaxweynihii dalka Gini oo inqilaab melleteri talada looga tuuray.

Monday September 06, 2021 - 09:47:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii dalka Gini oo inqilaab melleteri talada looga tuuray.

    Waxaa soo gaba gaboobay isku day inqilaab melleteri ah oo shalay ka dhacay wadanka Gini ee kuyaal galbeedka qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo gaba gaboobay isku day inqilaab melleteri ah oo shalay ka dhacay wadanka Gini ee kuyaal galbeedka qaaradda Afrika.


Melleteriga dalka Gini ayaa ku dhawaaqay in ay majaxaabiyeen madaxweyne Alpha Koondi oo 83 sana jir ahaa islamarkaana dalka gacan bir ah ku maamulayay waxkabadan 11 sanadood xiriir ah.

Kumanaan katirsan ciidamada melleteriga ayaa isku gedaamay qasriga madaxtooyada iyo waddooyinka waaweyn ee magaalada caasimadda ah.

Jeneraal melleteri oo telefeshinka afka dowladda ku hadla ka akhriyay bayaankii Inqilaabka ayaa ugu baaqay shacabka Gini in ay isdajiyaan islamarkaana ay la xisaabtamayaan wax uu ugu yeeray faasidiin geystay xatooyo hanti dowladeed.


Tan iyo markii dib loo doortay madaxweyne Alpha sanaddii 2020 ayay wadanka ka loosnaayeen fatqalado siyaasadeed iyo kuwa amni.

Saraakiisha ciidamada ayaa madaxweynaha iyo ku xigeeniikisa u arkay kuwa waqtiga sii dheeraysan doona, dalka loo yaqaan Gini Conakry waxaa galaangal weyn oo dhanka siyaasadda iyo amniga ah ku leh dowladda Faransiiska.




Related Items