Taliban oo qabsatay gobolkii ugu dambeeyay ee gacanteeda ka maqnaa.

Sunday September 05, 2021 - 17:08:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo qabsatay gobolkii ugu dambeeyay ee gacanteeda ka maqnaa.

    Ciidamada Imaarada Islaamiga ah ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay dagaalka culus ee ka socda gobolka kaliya ee ku jiray gacanta cadowga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Imaarada Islaamiga ah ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay dagaalka culus ee ka socda gobolka kaliya ee ku jiray gacanta cadowga.


Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamada Imaarada ay qabsadeen dhammaan degmooyinka wilaayada Panjshir marka laga reebo magaalada Bāzārak ee caasimadda u ah wilaayada.

War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Imaarada Islaamiga ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay maleeshiyaadkii cadowga ka xureeyeen wilaayada Panjshir waxa kaliya ee harsana ay tahay degmada Bāzārak.

"Mujaahidiintu gacanta ayay ku dhinteen dhammaan wilaayada Panjshir waxa kaliya ee harsan waa magaalada Bāzārak, Insha'Allaah goordhow ayaa ladhammeystiri doonaa inta harsan" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliban.


Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamada Taliban oo qabsanaya boqolaal madaafiicda goobta ah iyo saanado hub ah oo ay lahaayeen Maleeshiyaadka dagaal Ooge Axmed Shaah.

Amrullaahi Saalax oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii xukuumadda Afghanistan ayaa qoraal uusoo saaray ku sheegay in ay isdifaacayaan wax uu ugu yeeray xoogaga muqaawamada wadaniga ah.

Buuralayda Panjshir ayaa 30-kii sano ee lasoo dhaafay caan ku aheyd in ay gabaad unoqoto maleeshiyaadka daacadda u ah calmaaniyiinta shareecada diidka ah.

Sababta Imaarada islaamiga usahashay in ay qabsato wilaayada waligeedba cadowga hoyga u aheyd ayaa lagu sheegay iyadoo horay usoo qabsatay gobollada waqooyi ee ku teedsanaa Panjshir sida Balkh iyo Qunduuz halkaas oo dagaal oogayaashu gurmad ugasoo diri jireen.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items