Ururka Midowga Yurub oo safiir cusub usoo magacaabay dalka Soomaaliya.

Sunday September 05, 2021 - 11:40:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Midowga Yurub oo safiir cusub usoo magacaabay dalka Soomaaliya.

    Madaxweynaha Ururka Midowga Yurub ayaa Ergay cusub usoo magacaabay dalka Soomaaliya xilli ay marxalad kala guur ah marayso siyaasadda wadankan ee dabadhilifnimada ku dhisan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Ururka Midowga Yurub ayaa Ergay cusub usoo magacaabay dalka Soomaaliya xilli ay marxalad kala guur ah marayso siyaasadda wadankan ee dabadhilifnimada ku dhisan.


Tiina Intelmann oo aheyd safiirkii dalka Estonia uqaabilsanaa UK ayaa noqotay hoggaamiyaha Ergada Yurub ee Soomaaliya waxayna xilkan kala wareegtay Nicolos Berlang.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Ururka Midowga Yurub Tiina Intelmann ayaa wajahi doonto marxalad adag maadaama ay doorashooyin murun badan hareereeyeen ay ka dhici doonaan dalka islamarkaana uu heer gaba gaba ah marayo howlgalka midowga Afrika.


Ururka Midowga Yurub oo bixiya inta badan qarashka ku baxa ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan aad udhiman lacagihii mushaarka ahaa ee uu siin jiray ciidamada Kenya ee duullaanka ku jooga dalka.

Dabayaaqada sanadkan ayaa lafilayaa in kumanaan katirsan ciidamada shisheeyaha AMISOM ay Soomaaliya isaga baxaan waxaana deegaanada ay baneeyaan dib ula wareegi doonta awoodda islaamiga ah.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items