Itoobiya oo sheegtay in ay ciidamadeeda kala bixi doonto magaalooyin dhaca Koonfurta Soomaaliya.

Sunday September 05, 2021 - 08:02:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo sheegtay in ay ciidamadeeda kala bixi doonto magaalooyin dhaca Koonfurta Soomaaliya.

    Taliska ciidamada melleteriga Xabashida Itoobiya ee haysta gobollada Gedo iyo Baay ayaa ku dhawaaqay in ciidamadooda ay ka saari doonaan laba magaalo oo muhiim ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada melleteriga Xabashida Itoobiya ee haysta gobollada Gedo iyo Baay ayaa ku dhawaaqay in ciidamadooda ay ka saari doonaan laba magaalo oo muhiim ah.


Warqad uu qoray taliska qeybta 3aad ee ciidamada AMISOM kuna socotay Ururka Midowga Afrika iyo dowladda Federaalka ayaa lagu faafiyay baraha bulshada.

Jeneraalka Itoobiyaanka ee ku sugan Baydhaboa ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda ay kala bixi doonaan degmooyina Qansaxdheere iyo Buurdhuubo oo ah laba degmo oo ka kala tirsan Gedo iyo Baay.

Melleeteriga Itoobiya wuxuu ku wargeliyay Dowladda Farmaajo iyo maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed in ay ka baxayaan labadaas magaalo inta lagu guda jiro bisha September.


Wasaaradda Gaashaandhigga DF-ka ayay Itoobiya ugu baaqday in ay diyaariso ciidamadii bedeli lahaa marka ay ka guuraan Qansaxdheere iyo iyo Buurdhuubo.

Tallaaban ayaa kusoo aadaysa xilli melleteriga Itoobiya si xun loogu jebiyay dagaallada ahliga ah ee ka socda gobollada Tigray iyo Amhara waxaana la rumeysanyahay in culayska Itoobiya ay ka wajahayso jabhadaha mucaaradka ah uu sababi doono in ay labaxday inta badan ciidamadeeda aan magaca AMISOM ku joogin Soomaaliya.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items