Dib udhac markale ku yimid doorashooyinka dowladda Federaalka.

Saturday September 04, 2021 - 17:38:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dib udhac markale ku yimid doorashooyinka dowladda Federaalka.

    Markale dowladda Federaalka Soomaliya ayaa soo saartay jadwal cusub oo ku saabsan doorashooyinka laqaban doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markale dowladda Federaalka Soomaliya ayaa soo saartay jadwal cusub oo ku saabsan doorashooyinka laqaban doono.

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa sheegay in bishan gudaheeda lasoo xuli doono ergooyinka dooranaya xildhibaannada aqalka hoose, guddiga ayaa faraya in 5-ta illaa 18ka september ladhameystiro doorashooyinka aqalka hoose.

sida ku cad jadwalka cusub  diyaarinta iyo diiwaan-gelinta Ergooyinka iyo Musharaxiinta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay bilaabaneyso 25-ka Sep, doorashada xildhibaannada ayaa dhici doonta bilaawga bisha Octobar halka Novembar dhaxdeeda laqeybin doono kaararka xildhibaanada.


Jadwalkan cusub laguma sheegin waqtiga laqaban doono doorashada madaxweynaha dowladda Federaalka oo ah midda ugu xasaasisan, waa markii 4aad oo dib udhac ku yimaad jadwalka doorashadan murunka badan ka dhax dhalisay siyaasiyiinta dabadhilifyada ah.


Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items