Sawirro: Taliban oo tababar usoo xirtay guutooyin cusub duullaana ku qaadday gobol muhiim ah.

Saturday September 04, 2021 - 13:22:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sawirro: Taliban oo tababar usoo xirtay guutooyin cusub duullaana ku qaadday gobol muhiim ah.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka bilaawdeen deegaan katirsan gobolka Barawaan halkaas oo ay ku suganyihiin saraakiil katirsanaa xukuumaddii lariday iyo dagaal oogayaal hore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka bilaawdeen deegaan katirsan gobolka Barawaan halkaas oo ay ku suganyihiin saraakiil katirsanaa xukuumaddii lariday iyo dagaal oogayaal hore.

Ciidamada Imaarada Islaamiga ah oo shalay duullaan ballaaran ku qaaday mandiqadda Banjshiir ayaa ku guuleystay in ay qabsadaan illaa sedax degmo waxayna kaabiga ku hayaan magaalada caasimadda u ah dhulkan buuralayda ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay imaarada ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay ka adkaadeen maleeshiyaad ay hoggaaminayeen Amurullaah Saalax madaxweyne ku xigeenkii hore ee Afghanistan iyo wiil uu dhalay Axmed Shaah Mascuud.


Dhinaca kale Taliban ayaa soo bandhigtay ciidamo kumanaan ah kuwaas oo lagu wareejinayo amniga guud ee dalka gaar ahaan xarumaha muhiimka ah ee dowladda.

Ciidamadan oo qeyb ka ah guutada Badri 313, sida ay wararku sheegayaan in ciidamadan cusub ayaa tababarro kusoo qaatay gobolka Qandahaar waxaana lafilayaa in ay sugaan ammaanka mas'uuliyadda xukuumadda cusub ee dhowaan lagu dhawaaqi doono.











Related Items