Melleteriga Itoobiya oo fashilay isku day lagu burburin lahaa biya xireenka Al Nahda.

Saturday September 04, 2021 - 12:16:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Itoobiya oo fashilay isku day lagu burburin lahaa biya xireenka Al Nahda.

    Ciidanka Itoobiya ayaa shaaciyay in ay fashiliyeen weerar lagu doonayay in lagu burburiyo biyo xireenka annahda oo ah midka ugu weyn qaaradda Afrika,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Itoobiya ayaa shaaciyay in ay fashiliyeen weerar lagu doonayay in lagu burburiyo biyo xireenka annahda oo ah midka ugu weyn qaaradda Afrika,


Taliska ciidanka ayaa sheegay in ay ka hortageen weeeraer ay koox hubeesan oo hoostaga Ururka TPLF ay kusoo qaadday biyo xireenka, Weerarka ayaana ka dhacay deegaanka Almaxaal oo katirsan ismaamulka Benishanghuul.

Taliyaha ciidamada ku sugan deegaanka Matakal oo uu biyo xireenku ku yaal ayaa warbaahinta usheegay in ciidankooda ay dileen ugu yaraan 50 qof oo katirsan meleeshiyaatka TPLF halka 70 kale ay dhaawaceen, kadib dagaalo culus oo labada dhinac dhaxmaray.


Korneel Sayf inji ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxo oo aad u fara badan kuwaas oo la doonayay in lagu qarxiyo biya xireenka, wuxuuna intaa ku daray in ay ka takhaluseen dhammaan maleeshiyaatkii soo weeraray oo katirsana jabhada xureynta Shacabka Tigreega.

Hadalka sarkaalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada qowmiyadda Tigreega ay sameyeen hormar dhanka dagaalka ah oo ay ku qabsadeen deegaano hor leh oo katirsan ismaamulda Amxaarada iyo Cafarta.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin hoggaanka Maleeshiyaadka kooxda Tigreega ee ku saabsan weerarka ay ku qaadeen biya xireenka Al Nahda oo si weyn ay udiidanyihiin dowladaha Masar iyo Suudaan.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items