Ciidamada Kenya oo lagu weeraray Jaziiradda Kudhaa iyo Warar kale.

Thursday September 02, 2021 - 09:01:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya oo lagu weeraray Jaziiradda Kudhaa iyo Warar kale.

    Weeraro cusub oo khasaara dhaliyay ayaa lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro cusub oo khasaara dhaliyay ayaa lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in weerar culus xalay saqdii dhexe lagu miray saldhig ay ciidamada melleteriga Kenya ku leeyihiin Jaziiradda Kudhaa ee badweynta Hindiya.

Weeraro kale oo ka dhacay saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaannada Janaale iyo Mareereey ee Sh/hoose ayaa la sheegay in ay dhaliyeen khasaara dhaawacyo ubadan.


Dhinaca kale weerar ay dagaalyahanno ku hubaysan ku qaadeen deegaanka Daarusalaam ee duleedka Muqdisho ayaa sababay dhimashada hal askari iyadoona ay dhaawacmeen sedax askari.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogagii weerarka geystay ay gacanta ku dhigeen gaari nuuca raaxada ah iyo qori AK47 ah oo uu lahaa askariga ladilay.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items