40 katirsan Melleteriga Yemen oo ku dhintay weerar ay geysteen wakiillada Iiraan.

Monday August 30, 2021 - 12:33:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    40 katirsan Melleteriga Yemen oo ku dhintay weerar ay geysteen wakiillada Iiraan.

    Khasaara lixaad leh ayaa melleteriga Yemen kasoo gaaray weerar culus oo wakiillada Iiraan ay labeegsadeen saldhig kuyaal Koonfurta wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa melleteriga Yemen kasoo gaaray weerar culus oo wakiillada Iiraan ay labeegsadeen saldhig kuyaal Koonfurta wadankaasi.


Wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday sawaariikhda riddada fog ay sababtay dhimashada ugu yaraan 40 askari sida ay sheegeen ilo wareedyo rasmi ah.

Saldhigga Alcandi ayaa lakulmay illaa 3 saaruukh oo casri ah arrinkaas oo sababay in askar badan ay halaagsamaan.

Cabdi Rabih Haadi Mansuur oo ah madaxweynaha xukuumadda Taakta daran ee Yemen ayaa si kulul udhaleeceeyay weerarkan oo ay geysteen maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.


Saldhigga Alcanda waa saldhigga melleteri ee ugu weyn gobolka Laxaj waxaana ku sugan kumanaan askari oo uu tababaray isbahaysiga Carabta ee ku duulay dalka Yemen.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items