Waa Sidee xaaladda Koonfurta gobolka Mudug?

Saturday August 28, 2021 - 10:29:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Waa Sidee xaaladda Koonfurta gobolka Mudug?

    Xaalad deganaan ah ayaa ka jirta gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya halkaas oo bilihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen dagaallo iyo duqeymo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad deganaan ah ayaa ka jirta gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya halkaas oo bilihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen dagaallo iyo duqeymo.


Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca Koonfurta Mudug ayaa sheegaya in halkaas ay ka jirto deganaan, boqolaal qoys oo horay uga barakacay guryahooda oo kuyaal Bacaadweyne iyo Cammaar ayaa bilaabay in ay dib uguryo noqdaan.

Ciidamada wilaayada Islaamiga ah ayaa maalintii 3aad oo xiriir ay maamulaya dhammaan degmooyinkii iyo deegaannadii lagu hardamayay ee gobolka Mudug.

Weerar Talaadadii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Cammaara ayaa sabab u noqday in ay dib ugurasho sameeyaan maleeshiyaadkii maamulka 'Galmudug' iyo kuwii Bangaraafta ee Mareykanku tababaray.


Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items