Dad ka badan 20 ruux oo ku dhintay dagaal beeleedyo ka dhacay bartamaha Soomaaliya.

Saturday August 28, 2021 - 10:03:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad ka badan 20 ruux oo ku dhintay dagaal beeleedyo ka dhacay bartamaha Soomaaliya.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dagaallo beeleedyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dagaallo beeleedyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 ruux ay dhinteen halka tobanaan kale ay dhaawacyo soo gaareen kadib dagaallo culus oo shalay ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne.

Maleeshiyo beeleedyo hubaysan ayaa ku dagaallamaya deegaanka Kabxanleey ee gobolka Hiiraan, dad ku sugan duleedka Beledweyne ayaa sheegay in dagaalkii shalay uu sababay gubashada guryo iyo dhul beereedyo.

Dhinacyada ay dirirtu udhaxayso ayaa gurmayo ka kala helaya Deefoow iyo Beledweyne, dhinaca kale ugu yaraan 11 ruux ayaa ku dhintay iska hor'imaadyo maleeshiyaad hubaysan ku dhaxmaray duleedka deegaanka Gelinsoor ee gobolka Galguduud.


Deegaannada ay gacanta ku hayaan ciidamada shisheeye iyo maamul goboleedyada waxaa ka jira dagaallo beeleedyo laayaan ah oo gallaaftay nolosha kumanaan ruux.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items