Mid kamida saldhigyada ciidamada Mareykanka ee dalka Ciraaq oo weerar sawaariikh ah lagu qaaday.

Saturday August 28, 2021 - 09:20:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid kamida saldhigyada ciidamada Mareykanka ee dalka Ciraaq oo weerar sawaariikh ah lagu qaaday.

    Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa sheegaya in markale weerar hubaysan lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidanka Mareykanka ee kuyaal wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa sheegaya in markale weerar hubaysan lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidanka Mareykanka ee kuyaal wadankaasi.


Sida ay wararku sheegayaan in maleeshiyo hubaysan oo shiico ah ayaa weerartay saldhig ay ciidamada American-ka ah ka sameysteen xuduud beenaadka uu dalka Ciraaq lawadaago Kuweyt.

Sarkaal katirsan booliska gobolka Albasra ayaa usheegay wakaaladaha wararka in laba saaruukh oo Katiyoosha ah lagu weeraray saldhig ay ciidamada Mareykanka ka sameysteen meel ku dhow marin xuduudeedka Kariishtaan.

Laba kamid ah sawaariikhda ayaa ku dhacay hareeraha saldhigga halka saaruukha sedaxaad uu ugudbay dhanka dalka Kuweyt balse lamasoo sheegin wax khasaara ah oo ka dhashay sawaariikhdan.


Maleeshiyaad Shiico ah oo gacan saar laleh dowladda Iiraan ayaa larumeysanyahay in ay mas'uul ka yihiin weerarkan lagu qaaday saldhigga ciidanka gummeysiga Mareykanka ee Kariishaan.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items