Taliban oo Hoggaamiye caan ah u magacaawday Wasiirka cusub ee Difaaca.

Wednesday August 25, 2021 - 12:11:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo Hoggaamiye caan ah u magacaawday Wasiirka cusub ee Difaaca.

    Hoggaamiye jihaadi ah oo caan ka ah wadanka Afghanistan ayaa noqday sii haya wasiirka difaaca Imaarada Islaamiga ah arrinkaas oo si aad ah loo hadal hayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiye jihaadi ah oo caan ka ah wadanka Afghanistan ayaa noqday sii haya wasiirka difaaca Imaarada Islaamiga ah arrinkaas oo si aad ah loo hadal hayo.


Mulla Cabdulqayuum Daakir oo muddo tobanaan sana ah qeyb kamid ah noloshiisa kusoo qaatay xabsiga fadeexadda ku caanbaxay ee Guantanamo Bay.

War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada ayaa lagu sheegay in Mulla uu mas'uul ka hayahay ammaanka wadanka Afghanistan.

Hoggaamiyahan ayaa sanaddii 2014 lagasii daayay xabsiga Guantanamo Bay wuxuuna qeyb ka ahaa maxaabiis ay is dhaafsadeen Taliban iyo Mareykanka.


Cabdulqayuum ayaa lagu xusuustaa kaalintii wanaagsaneed ee uu ka qaatay xallinta khilaaf aad uxoogganaa oo sanaddii 2016 soo kala dhaxgalay hoggaanka Imaarada Islaamiga ah.

Ninkan ayaa ku jira liiska 'Argagaxisada' Mareykanka wuxuuna horay usoo noqday taliyaha guud ee Imaarada Islaamiga ah isagoona agaasimay weeraro lagu laayay boqolaal askari reergalbeed ah.

43 sana jirkan Jihaadiga ah ayaa larumeysanyahay in uu kamid ahaa maskaxdii ka dambaysay howlgalkii furashada magaalada Kaabuul.

Related Items