Al Shabaab oo Weerar cagmarin ah kadib lawareegay deegaanka Cammaara [Warbixin].

Tuesday August 24, 2021 - 06:20:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Weerar cagmarin ah kadib lawareegay deegaanka Cammaara [Warbixin].

    Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in khasaara lixaad leh uu ka dhashay weerar cagmarin ah oo Al Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo melleteri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in khasaara lixaad leh uu ka dhashay weerar cagmarin ah oo Al Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo melleteri.

Weerarka oo ku bilaawday weerar naf hurnimo oo uu fuliyay dagaalyahan kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay waxaana xigay weerar toos ah oo ciidamo hubaysan ay ku qaadeen saldhigyo ciidan.

ilo wareedyo ayaa noo xaqiijiyay in ciidamada wilaayada Islaamiga Mudug ay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo saanado melleteri balse illaa iyo hadda faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalkii Camaara.


War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkii Camaara ay ku qabsadeen 15 gaari oo 12 kamida ah yihiin Tikniko halka 2da kale ay yihiin  BG xamuul ah iyo booyad, sidoo kale dhimashada ciidamada Galmudug ee dagaalkii maanta ayaa gaartay 31.

Ciidamada maanta lagu laayay deegaanka Cammaara ayaa laba bilood ka hor duullaano ku qaaday deegaanno dhaca Koonfurta gobolka Mudug iyagoo taageero dhanka cirka ah ka helayay diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items