Sheekh Dabiixullaah "Hadafkii aan usoo jihaadnay wuxuu ahaa in Shareecada Islaamka laysku maamulo dowlad Islaami ahna ladhiso".

Monday August 23, 2021 - 17:52:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Dabiixullaah "Hadafkii aan usoo jihaadnay wuxuu ahaa in Shareecada Islaamka laysku maamulo dowlad Islaami ahna ladhiso".

    Indhaha ayaa lagu wada hayaa dowladda cusub ee ka dhismi doonto wadanka Afghanistan 20 sano kadib markii ay Mareykanku duullaan gardarra ah ku qaadeen wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Indhaha ayaa lagu wada hayaa dowladda cusub ee ka dhismi doonto wadanka Afghanistan 20 sano kadib markii ay Mareykanku duullaan gardarra ah ku qaadeen wadankaasi.


Dowladaha reergalbeedka oo ay ugu horreeyaan kuwa Yurub ayaa walaac ballaaran ka muujiyay dowladda Islaamiga ah ee ay soo dhisi doonto Taliban.

Ururka Midowga Yurub ayaa warbixin cusub oo uu soo saaray ku sheegay in aysan aqoonsan doonin dowladda Islaamiga ah ee magaalada Kaabuul laga yagleeli doono isagoo ku baaqay in la go'doomiyo nidaamka Taliban.

Dhinaca kale hoggaanka sare ee Imaarada islaamiga ah ayaa ka jawaabay walaaca ka imaanaya kuwa isugu yeera beesha caalamka.


Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo ah Afhayeenka Taliban ayaa sheegay in marnaba aysan ka labalabayn doonin yagleelidda dowlad islaami ah ayna dalka Afghanistan ku dhaqi doonaan Shareecada Islaamka, wuxuuna farta ku fiiqay in dowladda cusub aysan halis ku aheyn dowladaha dariska la ah Afghanistan.

"Hadafkii aan usoo jihaadnay wuxuu ahaa in dalka lagu dhaqo Shareecada Islaamka lana yagleelo nidaam Islaami ah, arrinkaas yaysan cidna ka werwerin waan dhisi doonaa dowlad u adeegta islaamka iyo Muslimiinta iyo shacabka Afqaaniyiinta" ayuu yiri Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in hoggaanka sare ee Taliban ay ku mashquulsanyihiin soo dhisidda xukuumad Islaami ah waxaana qeyb ka noqon doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

15-kii bishaan ayay aheyd markii ay ciidamada Imaarada Islaamiga ah qabsadeen magaalada Kaabuul ee caasimadda Afghanistan

Related Items