Taliban oo duullan cusub ku qaaday gobol ay isku aruursanayeen dagaal oogayaal hore.

Monday August 23, 2021 - 11:49:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo duullan cusub ku qaaday gobol ay isku aruursanayeen dagaal oogayaal hore.

    Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in dagaallo culus kadib ay ciidamada Imaarada Islaamiga ah dib ula wareegeen degmooyin ay dhowaan soo galeen ciidamo katirsanaa maamulkii hore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in dagaallo culus kadib ay ciidamada Imaarada Islaamiga ah dib ula wareegeen degmooyin ay dhowaan soo galeen ciidamo katirsanaa maamulkii hore.


War rasmi ah oo kasoo baxay Taliban ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay dib ula wareegeen degmooyin katirsan gobollada Takhaar,Badkhasan iyo Baghlan.

Taliban waxay maleeshiyaadka ay ladagaallantay ku tilmaamtay Buqaad iyadoona sheegtay in ciidamadeedu ay hadda dul degeen gobolka Banshiir ee duleedka Kaabuul halkaas oo uu ku suganyahay ninka lagu magacaabo Amrullaahi Saalax oo ku xigeen u ahaa madaxweynihii hore.

Mas'uul uhadlay Imaarada Islaamiga ah ayaa sheegay in ay xoog ku geli doonaan mandiqadda Banshiir haddii ay saraakiisha fallaagada ah diidaan xal nabadeed.


Wiil uu dhalay dagaal oogihii hore Axmed Shaah Mascuud ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegay in uu dagaal jabhadays ah kala hortagi doono xukunka cusub ee Taliban.

Related Items