Dad cumalo ah oo ku dhintay isbuurasho markale ka dhacday garoonka Kaabuul.

Sunday August 22, 2021 - 16:36:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad cumalo ah oo ku dhintay isbuurasho markale ka dhacday garoonka Kaabuul.

    Ugu yaraan sedax qof ayaa ku dhintay rasaas hor leh oo ka dhacday madaarka magaalada kaabuul halkaas oo ay ku suganyihiin kumanaan dad ah oo ubadan cumaladii la shaqeynayay ciidamada shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan sedax qof ayaa ku dhintay rasaas hor leh oo ka dhacday madaarka magaalada kaabuul halkaas oo ay ku suganyihiin kumanaan dad ah oo ubadan cumaladii la shaqeynayay ciidamada shisheeye.


War kasoo baxay isbahaysiga NATO ayaa lagu sheegay in dadka ku dhintay isbuurashada iyo rabshadaha madaarka kaabuul ay gaarayaan 20 ruux ayna wali taagantahay caqabadaha ku aaddan daad guraynta dadka haysta baasaboorrada reergalbeedka.

Madaarka Kaabuul waxaa ku sugan ciidamo kumanaan kun Americn iyo Turkey ah waxaa sii dheer kumanaan shaqaale ah kuwaas oo ka howlgala safaaradaha reergalbeedka.

Hareeraha madaarka waxaa laga dhisay guryo teendhooyin ka sameysan halka shaqaalaha ajaanibta diblumaasiyiinta ah ay ku howlgelayaan dhismayaal konteenaro ka sameysan.


Boqolaal kamid ah ciidamadii xukuumadda Afghanistan oo ubadan boolis ayaa iyana carratuur u ah kuwa americanka ah.
Xukuumadda washington waxay sheegtay in daad guraynta cumaladeeda ay ku jiha wareertay ayna u adeegsanayso diyaarado rakaab ah oo ay shirkado duulimaad kasoo kiraysay.

muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada oo lagasoo duubay madaarka kaabuul ayaa fadeexad ku noqday mareykanka kadib markii la arkay dad taayarada uga dheggan diyaaradaha islamarkaana qaarkood ay dhinteen kadib markii ay diyaaraduhu duuleen.

Related Items