Madaxweynaha Kenya oo Bandow hor leh kusoo rogay wadankiisa.

Thursday August 19, 2021 - 09:42:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Kenya oo Bandow hor leh kusoo rogay wadankiisa.

    Uhuru Kenyatta ayaa markale bandaw kusoo rogay dhammaan gobollada dalka Kenya arrinkaas oo hoos udhac weyn ukeenaya dhaqaalaha wadanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Uhuru Kenyatta ayaa markale bandaw kusoo rogay dhammaan gobollada dalka Kenya arrinkaas oo hoos udhac weyn ukeenaya dhaqaalaha wadanka.


War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in 60 maalmood dheeraad ah lagu daray mudadii bandawga, amarkan cusub ayaa dhigaya in lamamnuucay dhammaan isku imaatinada dadka.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in baaritaannadii ugu dambeeyay ee dhanka caafimaadka ah ay muujinayaan in kiisaaska caabuqa Covid19 ay sare ukaceen.

Kenyatta ayaa amray maamullada gobollada in ay dhaqan geliyaan bandawgan cusub si loo xakameeyo caabuqa safmarka ah ee Corona Virus.


Awaamirtan cusub ee magaalooyinka waaweyn lagusoo rogay ayaa saameyn xun ku reebtay dhaqaalaha wadanka Kenya oo kamid ahaa dalalka dhaqaalahoodu soo korayo ee bariga qaaradda Afrika.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items