Faah Faahin: dagaal 30 askari lagu dilay laguna qabtay taliyihii ciidanka Badda Galmudug oo ka dhacay deegaanka Qeycad.

Tuesday August 17, 2021 - 17:19:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: dagaal 30 askari lagu dilay laguna qabtay taliyihii ciidanka Badda Galmudug oo ka dhacay deegaanka Qeycad.

    Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaallo culus oo maanta markale dib uga qarxay deegaanno dhaca Koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaallo culus oo maanta markale dib uga qarxay deegaanno dhaca Koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
 


Dagaalka oo ahaa mid saacado badan socday ayaa ka dhacay deegaanka Qeycad oo hoos taga degmada Bacaadweyne.

Ciidamada wilaayada Islaamiga Mudug ayaa cagta mariyay saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaad Ashaamud ah kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka waday Koonfurta Mudug.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkii galabta lagu dilay 30 askari oo saraakiil ay kamid yihiin halka lagu dhaawacay tobanaan kale.


Taliyihii ciidamada badda maamulka 'Galmudug' ayay ciidamada wilaayada Islaamiga ah gacanta ku dhigeen isagoo nool kaasi oo lagu magacaabo Xirsi Cali Shire.

Saraakiisha caanka ah ee lagu dilay dagaalkii maanta waxaa kamid ah Cali Diini oo ahaa sarkaal katirsan booliska Galmudug horayna usoo noqday taliyihii saldhigga degmada Cabdi Casiis.

Wararka ayaa intaas ku daraya in taliyihii Ururka Horseed ee Daraawiishta Galmudug Max'med Cali Salaad isna meydkiisa lagu arkay goobta dagaalka.

Ilo wareedyo kale waxay xaqiijinayaan in saraakiishii lagu dilay  dagaalkii maanta uu kamid ahaa Ciirre Hirsige oo ahaa taliye ku xigeenka Daraawiishta Galmudug.

Ciidamada wilaayada Islaamiga Mudug ayaa dagaalkii Qeycad ku qabsaday sedax gaari oo mid kamida uu lahaa dagaal ooge Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka maamulka 'Galmudug' oo ku saabsan dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items