Guusha Daalibaan saamayn maku yeelan kartaa Jihaadka Soomaaliya?

Monday August 16, 2021 - 20:13:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 7 0
  • Share via Social Media

    Guusha Daalibaan saamayn maku yeelan kartaa Jihaadka Soomaaliya?

    Waa Maqaal uu wadaadyare Xaashi uu ku eegayo waxa ay latahay sida guusha Taliban ay usaameyn doonto jihaadiyiinta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maqaal uu wadaadyare Xaashi uu ku eegayo waxa ay latahay sida guusha Taliban ay usaameyn doonto jihaadiyiinta Soomaaliya.


Shalay oo ay taariikhdu ahayd 15 Ogoosto, 2021 ayaa madaxweynihii dawladda afgaanistaan ee Maraykanku garab siin jirey uu ka cararey magaalo madaxdii dalka afgaanistaan ee Kaabuul, kaddib markii urur daalibaan ay kaabiga usoo istaageen caasimadda dabadeedna qabsadeen. Waxa muslimka iyo dunida kale oo dhamiba indhaha ku hayaan sida ay u maarayn doonaan dhulkooda oo ahaa meeshii inta ugu badan lagu jebin jirey imbaraadooriyadaha. Laakiin iswaydiinta ugu muhiimsani waa "sidee ayaa arrinkaasi saamayn ugu yeelan karaa halganka islaamiyiintu dunida ka wadaan gaar ahaan ka Soomaaliya ka socda?”.


Daalibaan iyo Alshabaab.

Horraantii sagaashanaadkii kaddib markii midawga soofiyeedku si xun ugu jabey Afgaanistaan waxa soo baxay kooxda Daalibaan oo ka aasaasantay waqooyiga dalkaas, sidaas si lamid ah kaddib markii maraykanku si xun ugu jabey Soomaaliya bilawgii sagaashamaadkii ayaa waxa markii ugu horraysay la arkay rag islaamiyiin ahaa oo ka garab dagaallamaya jabhaddii USC ee caydiid inkasta oo aaney isku manhaj ahayn, kolkii maraykankii u taag heli waayey kani adaygoodana waa uu iskaga hulleelay. Ceebtii Maraykanka ka gaadhey Soomaaliya wax uun bay lamid ahayd tii Ruushka ku haleeshay Afgaanistaan.

Intaa kaddib xukuumaddii dabadhilifka ahayd ee Cabdullaahi Yuusuf ayaa markii ugu horraysay waddanka ku soo hoggaamisay dawladda itoobiya oo cadaw soo jireen ah ku ahayd Soomaaliya. Wakhtiyadaas waxa calankoodu taagnaa Midawgii Maxkamadaha Islaamiga ah oo uu hoggaamiye u ahaa Shariif Sheekh Axmed.

Garabka millateri ee Maxaakiimtu wax ay ahaayeen badi Alshabaabka maanta oo si kama dambays ah dadku fagaaraha halganka ugu arkeen 2006-dii. Dabadeed shabaabku wax ay soo hooyeen guulo waaweyn illaa madaxweynihii waddanku iska casilay xilkii, kaddibna magan galyo siyaasadeed waydiistay dalka Yaman oo uu ku sii noolaa illaa geeridiisii.

Wiiqmiddii iyo soo kabashadooda.

Sida ay aas aaska labada urur u kala horreeyeen ayaa ay u kala horrayn karaan hoos u dhacooda iyo kor u kacooda awoodeed. Haddii Daalibaan ay xukuumad ahaayeen 1996-2001, Alshabaabku wax ay awood rasmi ah oo aan la dhayalsan karin lahaayeen 2006-2011. Akhristaw u fiirso tirooyinku sida ay isugu aaddan yihiin.

Markii caasimadda Kaabuul ay ka baxeen ardaydu wax ay ahayd 2001 halka markii dhallinyaradu Muqdisho ka insixaabeen ay ahayd 2011. Waxse taa ka sii xiiso badan in dhallinyaradu(Shabaab) ay bayco kula jiraan urur waynaha Alqaaciida isla markaana ardayda(Daalibaan) iyo Alqaaciidana ay bayco ka dhaxayso. Halkaas baa xidhiidhkooda ugu wayni ka unkami karaa. Waxaana la saadaalin karaa in haddii ciidamada shisheeye ay ka baxaan Soomaaliya ay gebi ahaanba la wareegi karaan dhallinyaradu.

Maxay wadaagaan maxay se ku kala duwan yihiin

Labada urur si guud wax ay u wadaagaan in ay rabaan dabbaqidda shareecada Islaamka, waxa kale oo ay wadaagaan in labaduba ay yihiin sunniyiin isla markaana ay gacan saar la leeyihiin ururka Alqaaciida. Waxa kale oo dadka wax falanqeeyaa sheegaan in labada ururba ay ka soo horjeedaan siyaasadda ururka Daacish oo hadda awood beelay.

Farqiga ugu wayn ee la taaban karo waa in daalibaanku ay haystaan Mad-habta xanafiyada halka shabaabka iyo guud ahaan soomaalidu ay yihiin dad haysta mad-habta shaaficiga ah waa marka laga hadlayo dhanka fiqiga. Daalibaan waddanka ay ka dagaallamaan waxa uu ka kooban yahay 34 gobol halka Soomaaliya ay tahay 18 gobol keliya.

Guusha Daalibaan Shabaabka maxay uga dhigan tahay?

Qofka soomaaliga ahi waa uu yaqaan cidda ay cadaawaddu kala dhaxaysay hadda illaa wakhti hore. Waa nasaarada xabashida oo hadda uu ka jiro qalalaase siyaasadeed. Itoobiya wax ay ahayd qodaxda ugu xanuunka badan ee muslimiinta geeska gaar ahaan soomaalida ku taagan, burburkooduna waxa uu ka dhigan yahay bishaarada dhammaan ummadaha geeska.

Aan u soo noqdo eh guusha Daalibaanku wax ay dhiirigelin iyo dhabar adayg u tahay halganka soomaaliya ka socda, kaas oo guushiisu ay haddaba muuqato ama muuqan doonto wakhtiyada dhaw.

Sannada uun ka hor waxa siyaasi kasta oo soomaaliyeed laga maqli jirey weedha ah "Walaalaheenna itoobiya”. Waa sidii dawladdii dabadhilifka ahayd ee ashraf qaani ay u walaashan jireen gaalada, haddana halku dheggu wax uu noqon doonaa "Dhegdheer dhimatoo dhulkii nabad”.

Wabillaahi Tawfiiq
W/Q: Wadaadyare Xaashi

FG: Fikirka wuxuu gaar uyahay maqaal qoraha


Related Items