Soomaaliya waa Afqaanistaanta Bariga Afrika.

Monday August 16, 2021 - 20:10:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya waa Afqaanistaanta Bariga Afrika.

    "Ilaahay wuxuu noo ballanqaaday guul, Buushna guuldarro iyo inuu na tirtiri doonio; waase loo joogaa labada ballanqaad midka rumoobi doona" – Mullah Cumar, hoggaamiyihii hore ee Daalibaan, 2001.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ilaahay wuxuu noo ballanqaaday guul, Buushna guuldarro iyo inuu na tirtiri doonio; waase loo joogaa labada ballanqaad midka rumoobi doona" – Mullah Cumar, hoggaamiyihii hore ee Daalibaan, 2001.


Bishii May ee sannadkan majalladda Foreign Affairs ayaa baahisay qoraal 230 bog ah oo cinwaan looga dhigay "America’s Longest War – dagaalkii ugu dheeraa ee Maraykanku galo”. Wuxuu qoraalkani ka koobnaa 22 maqaal oo xilliyo kala duwan laga qoray duullaankii Maraykanku ku joogay Afqaanistaan labaatanka sano. Maqaalladan oo ay qoreen dad si toos ah iyo si dadbanba qayb uga ahaa duullaankan ayaa sawir buuxa ka bixinaya marxaladihii ay so martay iyo isbeddaladii ku yimid rajadii uu Maraykanku ka qabay xidid u siibidda nidaamkii Islaamiga ahaa ee waddankan ka jiray iyo beeridda nidaam calmaani dhabadhilif ah loogana arrimiyo caasimadaha reer galbeedka ilaa laga soo gaaray waqti xaadirkan iyo ka bixidda Maraykanka ee Afqaanistaan, soo laabashadii nidaamkii uu labaatan sano ka hor burburiyay iyo fashilka ku yimid wixii uu kharash, hub, tabobar iyo taageero galiyay dawlado isxigxigay oo dabodhilif ahaa. Waxay qaar ka mid ah saraakiishii dagaalkan hoggaaminaysay; xoghayihii hore ee gaashaandhiggooda; diblomaasiyiin iyo aqoonyahanoba maqaalladan uga warramayaan jabka ayaga gaaray; dhibaatada naf, maal iyo akhlaaqba leh ee ay u gaysteen reer Afqaanistaan iyo sida mashruucoodii reer galbeedayntu ku soo dhamaaday.



Sida uu sheegayo Carter Malkasian oo buugaag iyo maqaallo badanba ka qoray Afqaanistaan, 2013kii waxay ciidamadii Maraykanku u tabobaray xukaamadda Kaabul tiradoodu ka badnayd 350,000 (saddex boqol iyo konton kun) oo dhankasta laga hubeeyay. Isla xilligan waxay ciidamada Marykanka ka joogaa kor u dhaafayeen 100,000 (boqol kun) oo askari halka ay tiro kaloo badani ka joogtay NATO iyo waddamada kale. Waxay muddadaas labaatanka sano ah Maraykanku Afqaanistan ku bixiyeen hal tiriliyoon iyo bar/badh doolar Meesha sida ay sheegteen 2,300 askari ay uga dhimatay labaatanka sano 20,000 na ay uga dhaawacantay. Waxay sidoo kale sheeganayaan in 500,000 oo Afqaaniyiin ahi dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalkaa labaatanka sano. Awoodda ciidan ee intaa le’eg, waqtiga labaatanka sano ah, iyo dhibaatada loo gaystay ka sokow; waxay 15ka August 2021 Daalibaan la wareegtay guud ahaan Afqaanistaan oo caasimaddu ugu dambaysay halka isbahaysigii Maraykanku ku mashquulsana beryihii lasoo dhaafay daadguraynta wixii dad iyo ciidan ka joogay Afqaanistaan. Buush ballanqaadkiisii ayaa shalay beenoobay.

Afqaanistaan waa dal iyo dad aan taariikh, sifooyin iyo dhibaatooyin badanba wadaagno saamayn weyn na ku lahaa siyaasadaha iyo isbedalada 30kii sano ee lasoo dhaafay ka dhacay Soomaaliya. Dhanka dagaalka ka socda Soomaaliya dhowr iyo tobanka sano, Afqaanistaan waa madrasada ay kasoo qalin jabiyeen aasaasayaashii iyo hogaaminta maantay ee Alshabaab. Dhanka aragtida, yoolka iyo aydiyoolojiyadda; Alshabaab waa farac ka mid ah urur caalami ah -Alqaacidda- Daalibaan na bayco kula jiray muddo dheer. Labadan urur waa laamaha geed jirridiisu tahay isku darka dedaalkii Cabdalla Cazaam, Mullah Cumar iyo Usaama Binlaadin. Waxay koox kastaa dagaal muddo qaatay kula jirtaa Maraykan iyo xulafo uu xilliyo kala duwan abuurtay iyo maamullo isbahaysiyadaasi si gacan-ku-rimis ah uga yabyabeen labada waddan xilliyo kala duwan. Halka Daalibaan ay sagaashamaadkii samaysay dawlad Islaami ah, waxay xubnihii ugu sarreeyay Alshabaabku Maraykanka kula dagaalamayeen Muqdisho 1993dii. Alshabaab iyo Soomaaliya, sidaa darteed, waa Daalibaanta iyo Afqaanistaanta Bariga Africa.

Ka sokow guulaha Amisom, Qaramada Midoobay iyo maamullada Soomaalidu sheegtaan inay ka gaareen la dagaalanka Alshabaab; waxay kooxdani 18 sano ka dib aasaaskeedi (2003-2021) haysataa badi koofurta iyo bartamaha Soomaaliya saldhigyana ku leedahay buuraleyda Waqooyi Bari. Qoraallada tirada badan ee reel Galbeedka saxaafaddoodu ka qorto Alshabaab xilligan ayaa aad ugu eg qoraalladii 2015kii laga qorayay Daalibaan. In kasta oo adduunku dagaal kula jiro, ciidamo aan tirsanayni waddanka dhoobanyihiin, la iskuna dayay in albaab kasta oo dhaqaale, hub iyo ciiidanba uga iman lahaayeen laga soo xiro; wali laguma guulaysan – mana muuqato in lagu guuleysan doono – soo afjaridda Alshabaab. Waxaa 8dii February 2021 muddo xileedkiisu dhamaaday madaxweynihii afaraad oo ballanqaaday markii uu xafiiska imanayay inuu urur diimeedkan tirtiri doono. Farmaajo khudbadihiisu waxay aad u shabbahaan maqaal uu madaxweynihii kabihiisa ka cararay ee Afqaanistaan uu bishii May sannadkan ugu hanjabayay Daalibaan asagoo kala dooransiinayay inay ama isdhiibaan ama "dhimasho xanuun badan” u diyaar garoobaan.

Waxyaabaha, marka la soo koobo, ay labadan kooxood isaga midka yihiin waxaa ugu muhiimsan saddex shay: 1- awooddooda fikriga ah. Waxay kooxahani ku aasaasmeen, ka duulayeen oo hagaysay aydiyoolojiyad isku mid ah oo u oggoolatay in ay noqdaan kuwo hadaf leh, dagaalku dhab ka yahay, agaasiman, qeexana kana faaideysta fursadaha ay haystaan iyo awoodaha ay leeyihiin. 2 – madaxbannaani. Halka talada dawladaha dagaalka kula jiraa ay ka go’do ama taallo wadammo iyo caasimado kale, ayna ku qasbanyihiin inay tixgaliyaan amarka, go’aannada iyo rabitaanka Danley tiro badan, waxay kooxahani u madaxbannaanyihiin qaadashada go’aamadooda mid dagaal iyo mid siyaasi ah labadaba. Waxay xilligay rabaan samaynayeen dib u garasho iyo dib isu dhis waxayna goortaan doonaan iclaaminayeen hawlgallo safballaaran ah. 3 – tabardarrada iyo liidashada cadowgooda. Taagdarrada iyo cilladaha cadawgaagu waa qayb ka mid ah awooddaada. Dawladaha Maraykan iyo reer galbeedku ka sameeyeen labadan waddan ayaa si isku mid ah ula daalaa dhacayay cudurro isku mid ah oo ay ugu muhiimsanyihiin sharciyad la’aan, musuqmaasuq, kalsooni xumo, iyo inaysan haysan ama lahayn wax yool sidaasadeed ah oo ka baxsan xukun, hanti iyo magac raadin. Waxay xukuumadaha Kaabul iyo Muqdishoba safka hore uga jiraan liisaska masuqmaasuqa ee ay soo saaraan hay’adihii taageerada ugu badan ku bixinayay sii jiritaankooda.

Daraasad 2015kii laga sameeyay ciidanka xukuumadda Kaabul ayaa muujinaysay in 11% oo kaliya askartoodu ciidannimada u qorteen la dagaalanka Daalibaan. Mushaar, xil iyo ka aarsiga koox kale ayaa ahaa sababaha ugu badan ee ay askartu ciidamada uga mid noqonayeen labaatankaa sano. Waxay warbaahinta Soomaalidu dhankeeda soo bandhigtaa muuqaallada askar u muduhaaradaysa in labo bilood mushaarkii laga goostay iyo xubin Alshabaab ah oo isku qarxiyay meel ay askartaasi isugu yimaadeen ama lagu tabobarayay. Waxay tani keentay in xeryaha ciidanka dawladdu ay mar kasta iyo meel kasta garabka ku hayaan xeryaha Amisom, Itoobiya, Kenya iyo Maraykanka. Inaysan "Ciidanka Xoogga Dalku” awoodin haysashada saldhigyadooda haddaysan ciidan shisheeye dugsanayn. Carter Malkasian oo ka warramayay qaabkii ay Daalibaan 2015kii ku qabsatay dhul badan ayaa sidan leh: "Dagaalba dagaalka uu ka dambeeyo, askar tiro iyo hub ba ka badnaa cadowgooda kuna jiray dhufaysyo adag ayaa halmar go’aan ku gaarayay inay isdhiibaan halkii ay Daalibaan halsaac lasii dagaalami lahaayeen”;"Gobolka Qunduus, 500 oo askarta Daalibaan ah ayaa hilfaha u qaadday 3,000 oo askari oo isugu jira booliis iyo miilatari; halka gobolka Helman 1,800 oo Daalibaan ahi ka adkaadeen 4,500 askari”. Sababta ay natiijada dagaalladu sidan u noqonaysay wuxuu C. Malkasian u cabbiray sidan: "Daalibaan waxay xambaarsanayd aragti (aydiyoolojiyad) qoto dheer, dhiirri galinaysay ciidankeeda, gacanta sarena siinaysay goobaha dagaalka”. Waxaa dhankiisa hadal kan la mid ah ka yiri Alshabaab Madaxweyne Farmaajo oo isbarbardhig ku samaynayay ciidankiisa iyo ciidankii uu Aadan Xaashi Cayrow aasaasay.

Isku mid ahaanshaha taariikheed, aydiyoolojiyadeed, dhaqaneed iyo waaqiceed ee labadan kooxood ayaa ka dhigan isu ekaanta mustaqbalka labada kooxood. Waxayse dad badan oo ka hadlaya arrintani carrabka ku adkaynayeen inaysan Soomaaliya Afqaanistaan ahayn Shabaabna Daalibaan ahayn, ayagoo Meesha ka saaraya in jabka xukuumaddii Kaabul ku yimid uu ku iman karo xukuumadaha Xamar iyo gobollada. Hase ahaaatee ma jiro qof raacinaya sababta ay arrintu sidaa u tahay iyo waxa sheegashooyinkoodaasi ku salaysanyihiin. Ma jirto rajo laga muujinayo in Amisom iyo ciidamada kale ee shisheeyuhu ay keeni doonaan guul ay NATO iyo Maraykanku Afqaanistaan ka keeni waayeen. Kuma kalsoona dadkaasi in maamullada Soomaaliya ka jiraa la iman doonaan aragti, yool iyo qadiyad tan Alshabaab u dhiganta waxna ka baddali doonaan siyaasadda calooshi-u-shaqaystenimada, dhaqanka dabadhilifnimada iyo u adeegidda danaha shisheeye iyo qabyaaladda qaramaysan. Sidoo kale kuma ay kalsoona dadkaasi in Alshabaab dagaal iyo qori wax looga qaadi karo – wallow qaarkood been haawiska noocaa ah isku qanciyaan. Waxaa sidaa darteed isweydiin leh waxa ay Soomaaliya uga duwantahay Afqaanistaan, Alshabaabna Daalibaan? Farqiga u dhexeeya labadan kooxood waa kaliya in ay Daalibaan guuleysatay Alshabaabse aysan WALI guuleysan.

W/Q Maxamuud Ugaas

Related Items