Taliban oo Waali cusub u magacaawday magaalada Kaabuul [Warbixin].

Monday August 16, 2021 - 15:11:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo Waali cusub u magacaawday magaalada Kaabuul [Warbixin].

    Hoggaanka sare ee Imaarada Islaamiga ah ayaa maamul cusub u magacaabay wilaayada Kaabuul ee dalka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka sare ee Imaarada Islaamiga ah ayaa maamul cusub u magacaabay wilaayada Kaabuul ee dalka Afghanistan.


Maamulka cusub ee loo magacaabay Kaabuul ayaa lafaray in uu ka shaqeeyo ammaanka iyo kala dambeynta uuna dadka ku hoggaamiyo ku dhaqanka shareecada islaamka.

Almowlawi Cabdiraxmaan Mansuur waa waaliga cusub ee Kaabuul wuxuu ladhashay halyaygii hoggaaminayay Macrakadaii Shaahi Koot kaasi oo lagu magacaabi jiray Seyfu Raxmaan Mansuur.

Mas'uulkan ayaa taariikh fog ku leh jihaadka Afghanistan isagoo ciidamada shisheeye kula dagaallamay gobollada Koonfureed ee wadanka
Waaliga cusub aabihii wuxuu mujaahid wuxuuna ku shahiiday isla gudaha Afghanistan waxaana la oran jiray Almowlawi Nasrullaahi Mansuur.


Waa markii ugu horraysay oo maamul Islaami ah ay yeelato magaalada Kaabuul 20 sano ixtilaal ah kadib.

Related Items