Dagaallo iyo duqeymo ka dhacay duleeedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Sunday August 01, 2021 - 13:25:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 2
  • Share via Social Media

    Dagaallo iyo duqeymo ka dhacay duleeedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

    Iska hor'imaadyo culus ayaa markale dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaadyo culus ayaa markale dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya duleedka deegaanka Bacaadweyne ayaa sheegaya in dagaallo culus ay maanta barqadii ka qarxeen meel ku dhow tuulada Qeycad.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ay weerar ku qaadeen difaacyada ciidamada wilaayada Islaamiga Mudug ee kuyaal inta udhaxaysa Bacaadweyne iyo Qeycad.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaal saacad socday kadib ay maleeshiyaadka Ashaamudka ah guuldarro dhabarka loo saariyay islamarkaana ay markii dambe dib ugu laabteen xerada ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyne.


Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaaradaha Mareykanka ee Drone-ka ay duqeymo uga qeyb qaateen dagaalkii maanta, lamasoo sheegin wax khasaara ah oo ay geysteen duqeymihii maanta dhacay.

Waa markii 3aad oo diyaaradaha Mareykanka ay duqeymo ka geystaan gobolka Mudug 15 maalmood gudahood, waxaa xusid mudan in maleeshiyaadka Galmudug iyo kuwa Bangaraafta aysan wax guulo ah kasoo hoyn dagaalka Qeycad iyagoo taageera xagga cirka ah ka helaya Melleteriga Mareykanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items