Sarkaal Yaaqshiid lagu dilayo iyo ciidamo shisheeye oo lagu weeraray Koonfurta Soomaaliya.

Wednesday July 28, 2021 - 12:41:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Yaaqshiid lagu dilayo iyo ciidamo shisheeye oo lagu weeraray Koonfurta Soomaaliya.

    Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir dilkaas oo loo geystay askari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir dilkaas oo loo geystay askari.


Xoogag hubaysan ayaa xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dilay askari katirsanaa ciidamada dowladda kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Fahad Dheere.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogagga dilka geystay ay askariga ka furteen qori Ak47 ah oo uu watay.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhig ay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda uga suganyihiin degmada Qoryooleey.


Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa dhowr madfac lahelay saldhigga ciidanka Uganda waxaana ka dhashay khasaara xooggan, sida ay wararku sheegayaan in diyaarado ayaa soo caga dhigtay saldhigga waxayna daabuleen dhaawacyo.

Warar lagasoo xigtay saraakiil Soomaali ah oo la shaqeeya Yugaandheyska ayaa sheegaya in ugu yaraan sedax askari oo dhaawac ah lagu daabulay diyaarad.

Dhanka gobolka Bakool weerar culus ayaa xalay fiidkii lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada Xabashida iyo maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin degmada Waajid balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items