Diyaarad Itoobiya laga leeyahay oo kusoo dhacday gobol ay dagaallo ka socdaan.

Wednesday July 28, 2021 - 08:33:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Itoobiya laga leeyahay oo kusoo dhacday gobol ay dagaallo ka socdaan.

    Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in ay burburtay diyaarad rakaab ah oo ukiraysneed Q.Midoobay xilli ay dagaallo culus ka socdaan gobollo katirsan wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in ay burburtay diyaarad rakaab ah oo ukiraysneed Q.Midoobay xilli ay dagaallo culus ka socdaan gobollo katirsan wadankaasi.


Sida ay wararku sheegayaan diyaarad kasoo kicitintay magaalad Jigjiga ee dhulka Soomaaligalbeed ayaa ku burburtay meel ku dhow madaarka magaalada Dirirdhabe.

Diyaaradda oo ay la socdeen shaqaale katirsan hay'adda cuntada Q.Midoobay ee loo yaqaan WFP ayay warar kala duwan kasoo baxayaan sababta ay u dhacday.

Bayaan kasoo baxay xafiiska warfaafinta WFP ayaa lagu sheegay in ay baarayaan sababta keentay in ay diyaaraddu soo dhacdo, warbixinta waxaa lagu sheegay in 4 kamid ah howlwadeennada UN-ka ay dhaawacyo kasoo gaareen shilka.


Shirkadda duulimaadyada Xabashida ee loo yaqaan Abyssinia Flight Services ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in diyaaradda dhacday ay iyada udiiwaangashaneed.

Warbaahinta taageerta Jabhadda TPLF ayaa sheegtay in ciidamo daacad u ah Abiy Axmed ay diyaaradda dhulka soo dhigeen, sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamo hubaysan oo hareer taagan burburka diyaaradda balse illaa iyo hadda ma jirto wax xoojin kara eedaymaha ka yimid kooxda Tigreega.

Goobta ay diyaaraddu kusoo dhacday waxay katirsantahay gobolka Sitti oo dagaallo culus ay ka socdaan.



Related Items