Garoonka diyaaradaha ugu weyn dalka Itoobiya oo la xiray.

Tuesday July 27, 2021 - 12:15:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoonka diyaaradaha ugu weyn dalka Itoobiya oo la xiray.

    Waxaa hakad galay garoonka diyaaradaha ugu weyn wadanka Itoobiya kana mida ilaha dhaqaale ee ay dowladdu ku tiirsantahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa hakad galay garoonka diyaaradaha ugu weyn wadanka Itoobiya kana mida ilaha dhaqaale ee ay dowladdu ku tiirsantahay.


War kasoo baxay shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa lagu sheegay in lahakiyay dhammaan duulimaadyadii aadi jiray magaalada Addis Ababa iyo kuwii ka bixi jiray.

Garoonka Bole ayaan shalay shaqeynayn sababta ayaa lagu sheegay cimillada oo aad uxun sida cirka oo ay ceeryaamo saarantahay, roobab mahiigaan ah ayaa la sheegay in ay ka da'ayaan Addis Ababa iyo hareeraheeda.

Maamulayaasha Xabashida ayaa amar kusiiyay diyaaradihii ku degi lahaa madaarka Bole in ay uwareegaan wadamada dariska ah sida Suudaan iyo jabuuti.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items